Animation

War cusub: Dowladda shiinaha oo maanta lacag dhan 10 milyan ku wareejisay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka+Sawirro

no responses
Wednesday April 26, 2017 - 11:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda shiinaha ayaa maanta lacag dhan 10 milyan oo dollarka mareykanka ku wareejisay dowladda federaalka soomalia.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa guddoontay lacagtaan ay bixisay dowladda shiinaha.

Lacagtaan waxaa loogu tala galay in lagu iibiyo cunto nafaqeysan iyo daawooyin caafimaad oo loogu tala galay dadka ay abaarta saameysay.

Dowladda shiinaha deeqdaan lacageed waxa ay usoo marsiisay hey’adda cunta addduunka ee WFP.

Safiirka dowladda shiinaha u fadhiya soomalia ayaa sheegay in shiinaha uu laba jibaari doono gargaarka uu la gatab taaganyahay soomalia.

Ugu dambeyn wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maryan qaasim axmad ayaa ugu mahad celisay dowladda shiinaha deeqdaan lacageed ay ku wareejisay soomalia iyadoona sheegtay in lagu iibin doono cunto nafaqeysan iyo daawooyin.