Animation

War Cusub: Dowladda itoobiya oo saami la eg 19% ku yeelaneysa dekedda berbera kadib markii soomaliland ay ku dhawaaqday in….

no responses
Thursday May 11, 2017 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maamulka soomaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in dekedda ber bera dhaqaalaha ka soo xarooda saami laga siin doono dowladda itoobiya.

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shuceyb oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa sheegay in dowladda itoobiya ay saami ku yeelan doonto dhaqaalaha ka soo xarooda dekedda berbera.

Wasiirka wuxuu sheegay in dowladda itoobiya la siin doono saami dhan  19% ( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban ) oo taasi oo dad badan ay la fajaceen.

Wasiirka ma sheegin sababta itoobiya saamigaan looga siiyay dekedda berbera waxaana tani ay muujineysa sida itooiya ay galaan gal xoogan ugu leedahay soomaliland.

Hadalkaan ayuu wasiirka ganacsiga soomaliland ka jeediyay munaasbad dekedda berbera loogu wareejinaayay shirkada DP World ee laga leeyahay dalka imaaraadka carabta.

Dowladda soomalia weli si dhab ah ugama hadlin qorshaha ay ka damacsantahay dekedda berbera iyo saldhigga milatari ee imaaraadka laga siinaayo ber bera waxaana arintaan cusub ee saamiga dekedda laga siinaayo itoobiya ay sii adkeyneysa xaaladda berbera.