Animation

War Cusub:- Dowladda Faderaalka oo Daawo Garsiisay Baardhere Gedo (Sawiro)

no responses
Saturday November 14, 2015 - 11:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa daawo gaarsiisay degmada Baardheere ee gobolka Geddo ee Maamulka Jubbaland, waxaana shalay lagu wareejiyey maamulka degmada baardheere.

Daawada oo loogu talo galay in wax lagaga qabto xaalada dadka carruurta iyo hooyooyinka xanuunsan, waxaa magaalada Muqdisho ka soo qaaday Diyaarad ay la socdeen Wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda iyo dekadaha DF iyo Dr Cabdirisaaq Yuusuf oo ah Agaasimaha waaxda Daawada ee Wasaarada Caafimaadka DF.

Wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Badda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in daawada ay shalay gaarsiiyeen Baardheere loogu talo galay in wax lagaga qabo xaalada Caafimaad ee Carruurta,Hooyooyinka iyo dadka kale ee xanuunsan, islamarkaana ay qayb ka tahay qorshayaal Dowladda Fadaraalka wax kaga qabanayso xaalada Caafimaadka ee gobolka.

Maamulka Degmada Baardheere ayaa sheegay inay aad ugu baahnaayeen Daawada ay soo gaarsiisay Dowladda Fadaraalka’iyagoo tilmaamay in dadka deegaanka ay aad uga liitaan adeegyada Caafimaadka,ayna rajaynayaan in dawadani qayb ka qaadato soo noolaynta adeegyada Caafimaadka ee degmada iyo deegaanada ku xeeran.

Waa markii ugu horaysay oo dowladda Fadaraalku daawo soo gaarsiiso degmada Baardheere ee gobolka Geddo, waxaana dadka deegaanko marar badan ka cabtaan adeegyada Caafimaadka oo ay sheegeen inay ku liitaan, mudo 8 sano ah kadib waxaa laga dhisay dhawaan xarunta Caafimaad oo loogu talo galay Hooyada iyo Dhalaanka.DSC08848

DSC088471

DSC088531