Animation

War Cusub: Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo ka Baqdin qaba in Maamulka Trump uu Hakiyo Taageerada Mareykanka uu siiyo Howlgalka AMISOM

no responses
Tuesday January 24, 2017 - 8:02 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dawladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa walwal weyn kala soo gudboonaaday hadal dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Cusub ee dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo ku aaddana in dib u eegis lagu sameeyo taageerada uu Mareykanku ku bixiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

Warbixin ay soo daabacday The  East African ayaa lagu sheegay in dawladaha loo yaqaano Safka hore gaar ahaan Kenya iyo Ethiopia ee ku lugta leh dagaalka Soomaaliya in ay halis uga muuqato dib u eegista lagu sameynayo taageerada Mareykanka.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Trump oo Dhawaan loo dhaariyay Maamulka Mareykanka ayaa waxaa Muuqaneysa in uu lugta ku dhufanayo dhammaan go’aannadii uu gaaray maamulkii ka horeeyay ee uu Hogaaminaayay Obama waxaana laga yaabaa  in uu kala dhimo taageerada xad dhaafka ah ee Mareykanku uu siiyo dawladaha qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Maamulkii Obama ayaa gacan weyn ka siinayay AMISOM dhinacyada sirdoonka, duqeymaha xagga cirka, iyo talo bixinta Millatri, waxaana ugu danbeyn uu ku sii daray Ciidamo Mareykanka ah oo loo daabulay Soomaaliya kuwaas oo si toos ah kaga qeybgalaya duulaannada ay qaadaan Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka.

Warbixinta ayaa sheegtay in Trump uu dhayalsanayo khatarta  Al-Shabaab sidaas darteedna laga yaabo inuu wax ka dhimo taageerada Mareykanka uu bixinayo, haddii ay taasi dhacdana waxaa ay warbixintu tiri ” Waa khalad Istiraatiiji oo waxyeelleyn doona siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika”.

Dawladaha Afrika e ciidamadoodu Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan taageerada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Midowga Yurub, laakin si ka duwan reer Yurub, Mareykanku wuxuu toos ugu garab siinayaa Howlgalka AMISOM dhinacyada dagaallada iyo duqeymaha ka dhanka ah Hoggaanka Alshabaab.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.