Animation

War Cusub: Dowlada Mareykanka oo ku hanjabtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka….

no responses
Thursday September 15, 2016 - 9:47 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dawladda Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay Golaha amanka ee Qaraamada Midoobay ka soo saari doonto qaraar cunaqabateyn hubka ah ee Koonfurta Sudan hadii aysan Xukuumadda Juba ogolaanin Ciidamada nabad ilaalinta ee Afrika  oo la qorsheeyay in la geeyo dalkaasi.

Samantha Power  oo ah Danjiraha Mareykanka u fadhida  Qaraamada Midoobay  ayaa uga baaqday Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir Mayardit inuu si dhaqsi ah u ogolaado in magaalada Juba lagu faafiyo 4 kun Ciidan Afrikan ah oo ilaaliya amaanka isla markaana hawlwadeenada Qaraamada midoobay ka taageera shaqada ay halkaa u joogaan.

Ururka IGAD ee Bariga Afrika  ayaa 5 tii bishan Saptember ogolaaday in koonfurta Sudan la geeyo Ciidamo nabad ilaalin ah ee ka socoda Afrika, kadib markii uu dagaal sokeeye uu dib ugu soo cusboonaaday koonfurta Sudn.