Dawladda Kuwey ayaa sheegtay inay sanadka soo socoda martigelin doonto shir ay isugu imaanayaan dalalka iyo Urururada caalammiga ah ee deeq bixiyeyaasha ah, si maalgelin iyo taageeraba loogu fidiyo horumarinta waxbarashada Soomaliya.
Agaasimaha guud ee ALESCO, Abdulaahi Hamad muxaarib oo shir jar’id ku qabtay Xarunta ALESCO ee ku taal Tunis, ayaa shaaca ka qaaday in shirkaasi uu dhici doono sanadkan 2017ka,laakiin waxa uu ka gaabsaday inuu carabaabo Taariikhda la qaban doono.
Wuxuuna sheegay in Soomaaliya oo muddo dheer la ciirciirasay mushkilad dhanka aqoon darida ah ay u baahan tahay in laga taageero dhismaha aasaaska u ah waxbarashada.
Tirakoob ay hay’adda ALESCO sameysay sanadkii 2015kii,ayaa lagu ogaaday in dadka aan waxbarashada hayasan ee Soomaaliya lagu qiyaasay 65%.