Animation

War Cusub: Dowlada Ingariiska oo Shaacisay in Bulshada Caalamka ay kala Hadashay Sidii Soomaliya looga…..

no responses
Friday September 9, 2016 - 9:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dawladda Ingiriiska ayaa ugu baqay bulshada Caalamka inay dhabarka u ritaan masu’uliyadda Soomaliya,taasoo ah inay ka samatabixiyaan duruufaha qalafsan oo ay hadda ku jirto isla markaana taageero u fidiyaan.

Wasiiru Dawlaha Xukuumadda Ingiriiska ee arrimaha  Barige dhexe Tobias Ellwood oo warfidiyeenka la hadlaayay ka gadaal markii uu shir gudoomiyey kulan looga hadlaayay xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen wadamo iyo ururada deeq bixiyeyaasha ah, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in loo hawlgalo sidii  Soomaaliya loogu soo celin lahaa haykalkeedii Dawladnimo loona sugi lahaa amnigeeda.

Tobias Ellwood  Wuxuu ku baaqay in si deg degsiimo leh awoodda la isugu geeyo taageerida Ciidmada amniga gudaha ee Soomaaliya lana dardargeliyo kuwa nabad ilalinta ee Afrika ee ku sugan Soomaaliya si buu yiri´nabad looga aslaxiyo geyiga Soomaaliya, ayna Soomaliya u hanato arrimeeda guud ee awoodda maamul ee dalkeeda,meeshana ka saarto kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab, lagana xoreeyo degaanada weli ku jira gacanta kooxdaasi oo inta badan laga sifeeyay dalka.

Wasiiro Dawlaha Xukuumadda Ingiriiska ee arrimaha  Barige dhexe Tobias Ellwood, wuxuu cadeeyay inuu Sanadkan dalkiisu Soomaaliya u fidiyay lacag dhan 200 milyan oo ah Giniga Ingiriiska ,una soo diray 70 Askery  oo dhanka maamulka xafiisyada ka taageera Amisom.

Kulnkaa uu Wasiirku Warfidiyeenka kula hadlayay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Difaaca iyo  iyo wasiiro kale oo matalayay dalalka Mareykanka ,Imaaraadka,Turkiga,Ethiopia,Kenya, Ugaandha, iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo madax kale.