Animation

War Cusub: Dowlad kamid ah dowladaha caalamka oo diiday in la xuso maalinta jaceylka adduunka

no responses
Tuesday February 14, 2017 - 12:20 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dowladda Indonesia ayaa qeyb ka mid ah dalkaasi ka mamnuucday in looga dabaaldego maalinta jaceylka.

Maalinta jaceylka oo 14-ka Febraayo laga xuso qeybo ka mid ah caalamka, ayaa mudooyinkii dambe caan ka noqoneysay dalkaasi ay Muslimiinta ku badan yihiin.

Balse qaar ka mid ah culimada Indonesia ayaa sheegay in u dabaaldega maalintan uu yahay mid dhiirigelinaya galmada aan xalaasha ahayn, isla markaana aanan la ogolaan karin.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Booliska magaalada Makassar ayaa xoog ku galay oo xiray dukaamo lagu iibiyo cinjirka galmada.

Duqa magaaladaasi ayaa sheegay in ay ka jawaabayeen cabasho uga timid dadweynaha.

Saraakiisha dowladda ee magaalada Surabaya, oo ah tan labaad ee ugu weyn Indonesia, ayaa ardayda ugu baaqay in aanay u dabaaldegin maalinta jaceylka, ayagoo sheegay in ay khilaafsan tahay dhaqanka dadkaasi.

Culimada Islaamka ee Indonesia ayaa ah kuwo awood badan ku leh dalkaasi.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.