Animation

War Cusub: Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeyn Culus la beegsaday Saldhig ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaan Hoostaga Dagmada…….

no responses
Wednesday November 2, 2016 - 8:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Yimbis ee Hoostaga Dagmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose Diyaarado dagaal ayaa Xalay Duqeyn waxa ay ka geesteen Saldhig ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaankaasi.

Duqeynta ayaan la ogeyn Cida ka Dambeysa iyo Qasaaraha ka dhashay Balse dadka Deeganka ayaa maqlaayay Hugunka Gantaalo lagu garaacay Saldhig Shabaabka ku sugnaayeen.

Dadka Deegaanka waxay sheegen in ay Maqlayeen Ilaa 10 Gantaal wax ku dhaw oo ku dhaceysa Saldhiga Shabaabka balse qasaaraha gaaray aan la ogaan karin.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (najax) ayaa sheegay in xalay la duqeeyay saldhig ay kooxda Alshabaab ku laheyd Tuulada Yimbis, waxaana uu intaasi raaciyay in wixii faahfaahin ah dib laga soo sheegi doono.