Animation

War Cusub: Diyaarado Dagaal oo Duqeyn ka geestay Deegaano ka tirsan Maamulka Soomaliland

2 responses
Tuesday November 15, 2016 - 10:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Diyaarado dagaal ayaa Saacadihii lasoo dhaafay Duqeyn ka geestay Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada degmada oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh ee Maamulka Somaali-land.

Taliyaha Booliska  gobalka Daad-madheedh  Maxamed Cali Cabdi ayaa ka hadlay Diyaarado duqeeyey isla markaana rasaas ku riday Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada Oodweyne, waxaanu sheegay in ilaa hadda cid ku dhimatay ama wax ku noqotay aanay jirin, balse ay xaqiiqo tahay oo rasaastii hubka ay gacanta ku hayaan.

“Diyaaradahani mar kasta wey maraan, oo si toos ah ayey u soo maraan, oo waligoodba wey marayeen, waana waddadooda, oo waxay ka soo kacaan Jabuuti oo waxay qabtaan dhinacaas iyo Koonfur, oo joog hoos ayey ku socdaan, oo  dhirta dushooda ayey maraan  markay Koonfur ku socdaan, marna kale meel sare ayey maraan, oo tobaneeye cisho ayey maqnaadan, oo guud ahaan waa la aqoonsan yahay Diyaarahan halka laga leeyahay, laakiin anagu hadda xaqiiqada ma sheegi karno, oo walina baadhitaanada ayaanu wadnaa” ayuu Yiri Taliyaha.

Ugu Dambeyn Taliyaha wuxuu shaaciyay in ay Wadaan Baaritaan ku Aadan Duqeynta Diyaaradaha ay geesteen iyo Cida wax ku Noqotay Isagoona xusay in Dib ay ka Faah faahin doonan duqeyntaan.