Animation

War Cusub: Diyaarad Xamuul ah oo Muqdisho ka duushay ayaa ku Bur burtay Garoonka diyaaradaha ee……

one response
Monday November 28, 2016 - 7:45 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Diyaarad xamuul ah oo  ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa shil ku gashay Gegida Diyaaradaha Joma Kenyatta Air Port ee Nairobi.

Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay inay si deg deg ah ugu soo degtay Madaarka,markii ay soo wajahday cillad sababtay inay Cagaha lasoo bixi weydo.

Afar Qof oo saarna Diyaaradda ayaanay waxba ka soo gaarin shilkaas, waxana la hakiyay howlihii Garoonka, iyadoo duullimaadyadii imanayay halkaasina loo weeciyay Garoonka Diyaaradaha Mombasa iyo kuwo kale.

Shilkan oo dhacay Maqribnimadii Xalay,ayaanan wax faahfaahin ah laga bixin sababta ka dambeysay cilladda,waxaan soconaya baaritaanno la xiriira shilkaas.