Animation

War cusub: Dhalinyaro soomali oo ku nool dal Shisheeye oo guri ay ku nool yihiin laga helay waxyaabaha qarxa

no responses
Monday February 13, 2017 - 11:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya dalka Sudan ee gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Khartum ayaa waxaa ay sheegayaan in waxyaabaha Qarxa laga helay Guri ay degan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed.

Laamaha ammaanka ee Suudaan ayaa helay waxyaabaha bamka laga sameeyo iyo baasabooro ajnabi, ka dib howlgal ay ka sameeyeen markii uu shalay Qarax ka dhacay koonfurta dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Sudan ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo la xiray.

Booliisku waxay sheegeen  in nin doonayay in uu rakibo Miino ay ku Qaraxday.

Waxay sheegeen in uu aaday isbitaal si loogu dabiibo, balse uu isaga tagay ka dib markii ay shaqaaluhu diideen in ay daweeyaan iyaga oon la socodsiinin dawladda.

Facebook Comments