Animation

War Cusub: Dhageyso Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya oo Soo Fara galiyay Xirnaashaha Wadooyinka Muqdisho Iyagoona sheegay in ay….

no responses
Sunday September 11, 2016 - 8:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo Mudo mudo 3 Maalmood ay xiranyihiin Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo si kulul u cambaareyay Xirnaashaha adooyinka MUqdisho.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Wadooyinka Muhiimka ah ee Maalmahan xiran iyo Dhibaatada ka dhalatay.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu waqtigii ka dhamaaday , islamarkaana dalku uusan la heyn Madaxweyne.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay in uu xilka ku wareejiyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay gasho qalalaaso siyaasadeeed.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay xirnaanshaha Wadooyinka Muqdisho cuqubo laga galaayo Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.