Animation

War Cusub: Dhageyso Wasiirka Amniga Gudaha oo Sheegay in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo Lagu qabtay Shabakado isku Xiran oo Isugu Jira Alshabaab iyo Kooxaha Dadka……

no responses
Monday October 31, 2016 - 1:26 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Amniga Gudaha Xukamadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay ku guuleysteen in ay Gacanta ku dhigaan Shabakado isku xiran oo Shabaab ah,kuwaas oo ka dhoofayay Garoomo ku yaalla Dalka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in 20 ka mid ah Shabakadahaasi isku xiran lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde iyagoo doonayay in ay ka dhoofaan,balse Gacanta lagu dhigay markii la ogaaday in ay ku dhoofayeen documents been abuur ah.

“Muddo bil ka yar waxaa la qabtay labaatameeyo ruux oo ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Qalabka Immigration ee garoonka diyaaradaha yaalla ayaa wuxuu fududeeyay in la ogaado baasaboor la farsameeyay iyo document-yo been abuur ah oo ay wateen dadkaas oo rabay inay uga dhoofaan garoonka”ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa Xusay in Garoomo kale oo ku yaalla Dalka lagu qabtay Shabakado kale oo sidaan si lamid ah ka dhoofayay Gobolada Dalka,waxaana uu xusay in Wada-shaqeyn ay dhexmartay Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka