Animation

War Cusub Dhageyso: Wasiir Diini oo ku Dhawaaqay in Ciidanka Xooga Dalka Hada wixii ka dambeeya ay…..

no responses
Friday September 30, 2016 - 11:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowlada Soomaliya ay xooga saari doonto sidii Ciidanka Xooga dalka ay Markasto u heli lahaayeen Xuquuqdooda Mushaaraadka Ciidan.

Wasiir Diini ayaa sheegay in ay Diyaariyeen Qorsha Cusub oo Ciidanka Xooga dalka ay ku heli doonan Mushaaradkooda wuxuuna xusay in hada wixii ka dambeeya ciidanka aan lagu eegan doonin xuquuqdood oo ka maqan.

Mar uu ka hadlaayay in Musuq maasuq lagu sameeyo Mushaarka Ciidanka ayuu meesha ka saaray in arintaasi ay jirto wuxuna wasiirka balan qaaday in Askari kastoo ka tirsan Ciidana xooga dalka uu heli doono Mushaarkiisa uu xaqa u leeyahay.

Ciidanka Dowlada Federaalka ayaa Inta badan ka cawda Mushaar la’aan iyadoona taasi ay Niyad jab weyn ku riday Howlgalka ay Ciidanka ka wadaan Gobolada Dalka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiirka Gaashaandhiga