Somali News

War Cusub: Dhageyso Warar dheeraad ah oo laga helaayo Shil gaari oo Maanta ka dhacay deegaanada Puntland

Shil gaari ayaa ka dhacay meel u dhow degmada Dhahar ee Gobolka Hayland waxaana shilkaais uu sababay Qasaaro kala duwan oo soo gaaray dadkii gaariga Saarnay.

GaarigaShilka galay ayaa waxaa uu ahaa Nooca ay Soomaalida u taqaan  waaraad waxaana saarnaa 130 qof.

Inta la Xaqiijiyay Shilka waxaa ku dhaawacantay ku dhawaad 20 Ruux oo kasoo jeeda dalka itoobiya kuwaas oo ahaa kuwo tahriib ah.

Dadka gaariga Saarnaay ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen dad ka soo jeeda Qoqmiyada Oromada waxaana Gaariga uu ka yimid deegaanka oog ee Soomaaliland isagoo ku ku sii jeeday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Shilka gaariga ayaa waxaa keenay kadib markii gaarigauu si xowli ah uu ku socday iyadoona taasi ay keentay in mid ka mid ah taayarada Gaariga uu qarxo gaarigana uu Rogmado.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in dhaawaca dadkaas loo soo qaaday magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan  Magaalada Boosaaso iyo qaarkood oo la gaarsiiyay magaalada Qardho.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Akhriso: Puntland oo Markii Ugu Horeysay War ka soo saartay Dhismaha Maamulka Cusub ee Hirshabeele Iyadoona sheegtay in….

Tifaftiraha K24

Masaa’ib noocee ah baa ka dhalan karta dhiiggan maalin walba la daadinayo ?

admin

War Hada: Qarax Miino oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo Dad Shacab u Badan ay Waxyeelo ka soo gaadhay

Tifaftiraha K24