Animation

War Cusub: Dhageyso Maxaadan Ogeyn oo Wasiir Hadliye uu kaga Qeyb Galaaya Wadanka……

no responses
Thursday September 22, 2016 - 7:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaliya Cabdi Salaam Hadliye Cumar oo Magaalada New York uga qeyb galaaya Shirka Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu wadaa in Wasiirka uu Halkaasi ka jeediyo Khudbad Xasaasi ah oo ka hadleysa Xaalada Dalka Soomaliya uu Maraayo xili ay ku soo Food leeyihiin Doorashooyin Madaxtinimo.

Dhinaca Kale wasiir hadliye wuxuu ka qeyb galay Shirar dhowr ah oo looga hadlaayay Arimaha Qaxootiga si gaar ah Qaxootiga Soomaliyed ee Caalamka ku Nool.

Wasiir Hadliye waxa uu sheegay in Dunida ay ka dalbadeen in Qaxootiga soomaliyed la Caawiyo isagoona u sheegay Caalamkaa in Soomaliya ay Maanta Hormar ku talaabsatay Nabad galyo ay ka jirto waxaana uu cadeeyay in aysan marnaba ogolaan doonin in Qaxootiga Soomaliyed lagu dhibaateyo meelkasto ay caalamka ka joogaan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso wareysi dhinacyo Badan taabanaya oo Wasiir Hadliye ay la Yeelatay VOA Somalia