Animation

War Cusub: Dhageyso Galmudug oo Shaacisay Qorsha Cusub ay u Diyaarisay Degmooyin ka tirsan Galgaduud oo ay ku …….

no responses
Monday September 26, 2016 - 10:18 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku goodisay in ay si dhaqsi ah u bilaabayaan Dagaal Shabaab looga saarayo Goobaha ay ka joogan Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay ayaa sheegay in ay qorshaynayaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga bilaabo deegaanada maamulka Galmudug.

Carabey waxa uu sheegay in ay jiraan ciidamo aad farabadan oo soo qaatay tababaro kala duwan , kuwaa soo ku sugan deegaanada  maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeena waxa uu Intaasi ku daray in Ciidanka laysku dhafi doono oo la mideyn doono si ay Al-Shabaab looga saaro Degmooyinka Xarardheere , Galhareerei iyo Ceel dheer iyo sidoo kale deegaanada kale ee Shabaabka ay ku suganyihiin.

Ugu Dambeyn Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug ayaa ugu baaqay Shacabka Galmudug in Ciidanka ay Caawiyaan oo Biyaha iyo Timirta ay ka daba qaadan Ciidanka Dagaalka ku qaadaya Deegaanada Alshabaab.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Cdoka Xaashi Carabey