Animation

War Cusub: C/Wali Gaas oo Dallacsiin iyo Darajooyin ku Abaal Mariyay Saraakiil ka tirsan Daraawiishta oo Itoobiya aysoo….+Sawiro

one response
Saturday November 19, 2016 - 9:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa uu dallacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland , saraakiishaas oo tababar ciidan oo mudo laba sano ah kusoo qaatay dalka Ethiopia.

Saraakiishan  oo ah lix sarkaal ayaa soo qaatay tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka ah waxayna diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dadka iyo dalka iyagoo aqoonta dhinaca ciidanka ee ay soo qaateen ku biirin doona qorshayaasha horumarineed ee ciidamada.

Madaxweynaha Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan  dallacsiiyay laba xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna uu Madaxweynuhu u dallacsiiyay saddex xiddigle , waxaana dhamaantood laga sugayaa inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si daacadnimo ah.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi “Siciid Dheere” oo madasha dallacsiinta saraakiishan ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah  uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad kooban u jeediyay saraakiisha uu dallacsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ee ay usoo dhamaysteen tababarkii loo diray laba sano ka hor , wuxuuna ku adkeeyey inay kasoo baxaan masuuliyadda ka saaran dadka iyo dalka iyo sidoo kale inay ka qayb galaan difaaca dhulka iyo dadka Puntland.

1479548490d2e3d 1479548492dbac2 1479548496e8725 1479548499ffa31 14795484870d2e7 1479548485911e3 1479548489842d8 1479548498516c3 147954849321131