Animation

War Cusub: Ciidamo la Rumeysanyahay in Mareykanka ay ka tirsanyihiin oo Xalay Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Deegaan Hoostaga Dagmada….

no responses
Friday November 25, 2016 - 2:32 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo Baxayan Duqeyn Xalay Diyaaradaha Droneska Mareykanka ay ka geesteen Gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeynta waxa ay xalay ka dhacday Deegaan qiyaastii 60KM u jirta Dagmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose Halkaasi oo Fariisin ay ku leeyihiin Xarakada Alshabaab.

Guddoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Cismaan Shigshigoow ayaa sheegay in Diyaaradahu ay duqeyeen Guri ay degen yihiin Rag ka tirsan Shabaab islamarkana Duqeynta ka dib ay jireen Ciidan Lug ah oo ka soo degay Diyaaradaha kuwaas oo Weerar Toos ah bilaabay.

Inkasto aan weli si dhab ah loo ogeyn Qasaaraha ka dhashay Duqeynta iyo Cida Bartilmaameedku uu ahaa ayaa hadana Guddoomiyaha Qoryooley wuxuu sheegay in Duqeynta lagu dilay 4 ka tirsan Dagaalyahanada Alshabaab Halja uu sidoo kale sheegay in Ciidanka ay wateen 6 Dagaalame oo Alshabaab ah waa Siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Qoryooley Maxamed Cismaan Shigshigoow.

Mareykanka iyo Dowlada Federaalka weli kama aysan Hadlin Howlgalka Qorsheysna ee Xalay laga fuliyay Deegaan hoostaga Dagamda Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose,

Mareykanka ayaa Bilaabay in Ciidankiisa Lugta ah ay ka qeyb qaataan Weerarada iyo Howlgalada Laga fuliyo Deegaanada Alshabaab waxaana taasi ay keeni kartaa in Ciidanka Mareykanka uu qasaaro ka soo gaaro Howlgalada ay ka fulinayan Deegaanada Alshabaab ay Maamulaan.