Animation

War Cusub: Ciidamada ammaanka oo meel aan ka fogeyn xerada xalane ku toogtay nin laga shakiyay gaaari uu….

no responses
Friday April 28, 2017 - 11:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan nin saakay ciidamada dowladda ay ku toogteen dagmada wadajir ee gobolka banaadir.

Ninka ay ciidanka toogteen ayaa la sheegay in uu waday gaari caasi ah waxaana uu ka dhago adeegay ciidamada oo istaajiyay kadibna ay ciidanka toogteen.

Ciidanka ammaanka ayaa wadaha gaarigaan ku amray in uu istaajiyo gaariga oo uu si xowli ah ku waday balse markii dambe ciidanka ay ninkaan toogteen inta uusan soo gaarin meel aan sidaas uga fogeyn albaabka la ilaaliyo ee madina gate.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ninka darawalka ee ay toogteen ciidamada ee watay gaariga BL-ka uu ka soo cararay Ciidamada qaada kuwa canshuurta, sidaasna gaariga uu si xowli ah ugu soo kaxeeyay, taasna ay sababtay in ciidamada ka shakiyaan, dabadeedna ay toogtaan.

Marka ciidanka ay darawalkaan dileen waxaa goobta soo gaaray ciidamada miino baarista amisom waxaana ay baaritaan ku sameeyeen meydka iyo gaariga balse wax miino ah wey ka waayeen.

Laamaha ammaanka dowladda federaalka weli kama aysan hadlin toogashadaan ka dhacday dagmada wadajir ee gobolka banaadir.