Animation

War Cusub: Boqortooyada Sacuudiga oo ku Dhawaaqday in ay ka guureyso Isticmaalka Kalandarka Hijriyada kadib markii ay……

no responses
Tuesday October 4, 2016 - 4:56 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dawlada Saudi Arabia ayaa u wareegay kaalendarka Gregorian “ee ree galbeedka” si ay u bixiyaan mushaaradka shaqaalaha rayidka ah taasoo ka mid ah dadaalada dib u habaynta dhaqaalaha oo ay ku dhawaaqeen golaha wasiirada.

Boqortooyada ayaa isticmaali jiray kalandarka dayaxa ku salaysan ee Hijriga tan iyo intii la aasaasay 1932, laakiin ku wareegay kalandarka milaadiga ee qoraxda ku salaysan ee Gregorian si ay ugu bixiyaan mushaaradka shaqaalaha dawladda laga bilaaba 1dii October.

kalandarka dayaxa ee Islaamka wuxuu ka kooban yahay 12 bilood, oo 29 ama 30 maalmood ku dhamaadaan bilaha iyadoo ay ku xirantahay arkidda dayaxa, islamarkaana sanadka sida caadiga ah 354 maalmood ka koobanyahay- 11 maalmood uu ka gaabanyahay kan ree galbeedka isticmaalaan.

Tallaabadan ayaa waxay ka mid tahay tallaabooyin badan oo lagu dhimayo kharashaadka ka dib dhaqaala xumo soo wajahday Saudiga oo lagu dhawaaqay ka dib kulan todobaadle ah ee golaha uu shir gudoominayay Boqor Salman Bin Abdul Aziz.

kalandarka Gregorian ayaa waxa soo bandhigay 1582kii  Pope Gregory XIII.