Animation

War Cusub: Boqortooyada sacuudiga oo cadaadiskii ugu xumaay saartay farmaajo kuna qasbeysa in uu….

no responses
Saturday June 10, 2017 - 12:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Dowladda sacuudiga ayaa cadaadis xoogan ku saareysa dowladda soomalia in ay xiriirka u jarto dowladda qadar.

Boqortooyada sacuudiga ayaa tan iyo markii ay cilaaqaadkii u jartay xukuumadda doha waxa ay bilowday in dalal badan oo carabta ah ay ku dirto in xiriirka ay u jaraan qadar.

Dalal gaaraya ilaa 7 dal ayaa aqbalay codsiga sacuudiga ee xiriirka loogu jaraayo qadar waxaana sacuudiga uu sidoo kale doonaya dalalka khaliijka iyo kuwo afrika ah in ay xiriirka u jaraan qadar.

Wadanka soomalia ayaa kamid ah dalalka ay boqortooyada ku cadaadineyso in xiriirka ay u jarto qadar waxaana sacuudiga ay sheegtay in ay joojineyso dhaqaalaha ay soomalia ku taageerto ilaa ay xiriirka uga jarto qadar.

Soomalia waxa ay horay u sheegtay in ay ka madax banaantahay dalaka carabta ah ee khilaafka uusoo kala dhexgalay waxaana soomalia ay ku baaqday in khilaafka wada hadal lagu dhameeyo.

Balse sacuudiga ayaa ka biyo diiday go’aanka ay soomalia qaadatay waxaana taa bedelkeeda ay doonayeen in soomalia ay xiriirika u jarto qadar.

Lama oga cadaadiska sacuudiga uu saaray soomalia waxa ay ka bedeli doonto mowqifka dowladda ee xiriirka qadar .

Madaxweyne farmaajo iyo ra’isul wasaare kheyre ayaana wajahaya cadaadis boqortooyada uga imaanaya.