Animation

War Cusub: Askari keenyan ah oo Weerarkii kulbiyoow ka bad baaday oo afka furtay xaqiiqo badana soo bandhigay

no responses
Wednesday February 1, 2017 - 7:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Mid kamid ah askartii ka badbaaday weerarkii 27-ka bishii tagtay ka dhacay Kulbiyow ayaa u sheegay warbaahinta dalka Kenya tafasiil dheeri oo ah ku aadan weerarkaasi isagoona tilmaamay inuu arkaayay dagaalamayaal ajaaniib ah gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka Carabta oo si weyn u tababaran marka loo eego sida ay dagaalka uga qeyb qaadanayeen.

Dagaalamayaasha ajaanibta ah waxaa uu sheegay in ay ku hadlayeen luuqada carabiga sidaasina uu ugu qaatay in ay yihiin dagaalamayaal carbeed oo ka bar bar dagaalamaya kooxda alshabaab.

Mid kamid ah Askarta bad baaday ayaa u sheegat the star ” iyagoo aad moodo sida mowjadaha badda oo kale ayey saldhigeena soo galeen dagaalamayaasha ” sidaas waxaa sheegay askari weerarka ka bad baaday.

Askariga wuxuu kaloo sheegay in raga soo weerararay saldhigooda ay markii hore iska caabiyeen balse markii dambo ay joojin kari waayeen maadama iyagoo xoogan ay saldhiga gudaha usoo galeen.

Alshabaab waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay ku dishay 67 askari oo ka tirsan KDF-ta dalka kenya waxaana shabaabku ay soo bandhigeen sawiro muujinaya weerarka kulbiyoow iyo qasaaraha soo gaaray ciidamada kenay waloow dolwada kenya ay qasaaraha aad usoo koobtay kuna sheegtay 9 askari balse taasi waxa ay u muuqata mid xaqiiqada ka fog marka aad aragto sawirada weerarkii kulbiyoow iyo medyadka shabaabku soo badhigeen oo ka badan 9 askari.