Animation

War Cusub: Alshabaab oo xalay weerarkii ugu cuslaay oo dhowr jiho ah ku qaaday ciidamda amisom ee ku sugan dagmada…..

no responses
Monday April 24, 2017 - 5:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayan dagaal u dhaxeeya alshabaab iyo ciidamada amisom oo xalay ka dhacay duleedka dagmada qoryooley ee gobolka shabeellada hoose.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii xoogag ka tirsan alshabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan amisom oo roondo ka sameynaayay duleedka dagmada qoryooley.

Ciidamada amisom oo gaaray deegaan lagu magacaabo Garas-Jiireed ayaa waxa ay weerar jid gal ah kala kulmeen xoogaga alshabaab .

Dagaalka wuxuu dhacay laba jeer sida aan wararka ku heleyno dagaalkii koowaad wuxuu ka dhacay deegaanka Garas-Jiireed oo ciidamo amisom ah oo halkaas kasoo baxay wadada loo galay kuwaasi oo kusii jeeday qoryooley hadana markale ayaa ciidanka amisom waxa uu dagaal ku qabsaday afaafka hore ee dagmada qoryooley.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqlayeen rasaas culus iyo madaafiic dagaalka la isku adeegsanaayay.