Animation

War Cusub: Alshabaab oo Weerar ku qaaday Magaalada Boosaaso iyo dagaal xoogan oo….

no responses
Thursday February 2, 2017 - 7:39 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ayaa waxa ay sheegayan in xalay weerar xoogan ay halkaasi ku soo qaadeen xoogag ka tirsan alshabaab.

Bar koontarool oo ku taala Magaalada boosaaso ayey dabley hubeysan soo weerareen waxaana halkaasi uu dagaal ku dhexmaray ciidamada puntland oo fariisinka ku lahaay koontaroolka iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay dagaalka waxaa ku dhimatay laba Ruux oo Rayid ah halka ay dhaawacmeeen laba kale oo ka tirsan ciidamada puntland ee ku sugan magaalada boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in saldhig ciidan ay soo weerareen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ciidamadana ay iska daafaceen.

Magaalada Boosaaso waxa ay noqotay meel ammaankeeda aan la isku haleyn karin maadama ay kusoo laab laabten dilalka qorsheysan hadana ay kusoo korodhay weeraro shabaab ay kusoo qaadaan gudaha magaalada boosaaso.