Animation

War Cusub: Alshabaab oo Sheegtay in ay Dagaal kula Wareegeen Deegaan ka tirsan Gobolka…..

no responses
Tuesday October 18, 2016 - 9:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Faah faahin dheeraad ah ayaa Waxa ay ka soo Baxayaan Weerar Culus oo Alshabaab ay ku qaadeen Fariisimo ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Deegaanka Ceel-wareegow ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalka oo Mudo Saacado socday Waxaa la isku Adeegsaday Hubka Noocyadiisa kala Duwan waxaana Dhawaqa Rasaasta laga maqlaayay Deegaanada ku dhaw dhaw Ceel-Wareegow.

Alshabaab ayaa sheegatay in Mudo Dagaal qaatay kadib ay usuurta gashay in ay La Wareegaan Guud ahaan Deegaanka Sida lagu qoray Baraha Alshabaabka Wararka u baahiya.

Sidoo kale warka lagu qoray Baraha Shabaabka warka u baahiya ayaa lagu sheegay in Tiro Madaafiic ah ay Alshabaab ku garaaceen Saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Dagmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Qoryooley Dhowr Habeen ayey Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab Madaafiic ku garaaceen Fariisimo ay Ciidanka Amisom ku leeyihiin Magaalada.