Animation

War Cusub: Alshabaab oo Sheegatay Masuuliyada Arin aad looga Hadal Haayo Gudaha Wadanka Kenya

no responses
Thursday September 22, 2016 - 12:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan AlShabaab ayaa xaley weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Haamey oo hoostaga degmada Garissa ee xarunta gobolka Wuqooyi Bari kenya.

Afar ka mid ah Booliska Magaalada Wajeer, ee Waqooyi Bari Dalka Kenya ayaa la waayay , Laba Sarkaalna waa lagu dhaawacay, markii Dableey ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhigga Hamey, ee Magaalada Wajeer.

Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Wararka soo qadaay ayaa la sheegay In halkaasi ay ka qaaeen Hub iyo Direys Ciidan, iyagoo horay u kaxaystay Gaari Land Cruiser-ka ah, sida ay sheegeen Saraakiisha Saldhiggaasi.

dhinaca kale Alshabaab ayaa ka hadashay Weerarka ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Booliska waxaana lagu sheegay war lagu qoray Bogaha Alshabaabka in Ciidan Nool nool oo Kenyan ah ay Gacanta ku haayan Alshabaab sidoo kalana deegaanka ay weerarka ku qaadeen ay gabi ahaanba la wareegeen.

Alshabaab ayaa Dhowr jeer weerar ku qaaday Saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihin Gobolka Wuqooyi Bari kenya.