Animation

War Cusub: Alshabaab oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falka ugu naxariista xumaa abid kadib markii ay…..

no responses
Monday May 1, 2017 - 9:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno gobolka bakool ayaa waxa ay sheegayan in dagaalamayaasha alshabaab ay dab qabad siiyeen baabuur ay saaranyihiin raashin gargaar ah oo ku socday dagmada waajid ee gobolka bakool.

Gaariga ay shabaabka dabka qabab siiyeen waxaa saarnaay raashin gar gaar ah oo loogu tala  galay in loogu gurmado dadka ay abaarta saameysay ee ku nool dagmada waajid iyo deegaanada hoostaga.

Raashinka la gubay waxaa warbaahinta u xaqiijiyay maamulka dagmada waajid ee koonfur galbeed waxaana maamulka uu sheegay in ilaa 28 gaadiid oo raashin waday dab la qabad siiyay.

Guddoomiyaha C/llaahi Yariisow ayaa waxa uu sheegay in alshabaab ay falkaan ku cuna qabateyneyso dadka ay abaartu saameysay ee ku nool waajid ayna dooneyso in dadkaas ay gaajo u dhamaadaan.

Guddoomiyaha wuxuu intaa ku daray in shabaabka ay go’doomiyeen dagmada waajid taasi oo uu sheegay in ay kaga gol leeeyihiin in dadka aan gurmad loo fidin.

Waa markii ugu horeysay oo shabaab lagu eedeeyay in ay gubeen raashin gar gaar ah tan iyo markii abaarta ay ku dhufatay gobollada dalka soomalia.