Animation

War cusub: Alshabaab oo saakay aroortii dagaal culus kula wareegtay deegaan muhiim ah hoostaga magaalada…..

no responses
Tuesday May 9, 2017 - 8:04 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya gobolka baay ayaa waxa ay sheegayan in xoogag ka tirsan alshabaab ay saakay aroortii weerar culus ku qaadeen deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo dhaca duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dagaalamayaasha alshabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday fariisin ay ciidanka koonfur galbeed ku leeyihiin deegaanka goofgaduud .

Dagaalka qaatay mudo ayaa dhexmaray alshabaab iyo ciidanka maamulka koonfur galbeed waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Alshabaab ayaa sheegtay in ay la wareegeen deegaanka goofgaduud shabeellow kadib dagaal ay saakay ku qaadeen waxaana idaacadda ku hadasha afka alshabaab ay baahisay in dagaalamayaasha shabaab ay rasmi ula wareegeen deegaanka goofgaduud shabeeloow ee gobolka baay,.

Marka laga soo tago sheegashada alshabaab ee ah in ay la wareegeen deegaanka goofgaduud ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulka koonfur galbeed.