Animation

War Cusub: Akhriso Warkooban oo ka soo Baxay Dowlada Mareykanka kaasi oo lagu Faah Faahiyay Duqeyn ka dhacday Gobolka…..

no responses
Thursday September 8, 2016 - 7:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Afhayeenad u hadashay Taliska Milliteriga Maraykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika (U.S. Africa Command), Captain Jennifer Dyrcz ayaa sheegtay inay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay duqeyn ka geysteen Deegaanka Torotorow ee Gobalka Sh/hoose, kuna dileen 4 Dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab.

Afhayeenka ayaa xaqiijisay in koox si aad ah u hubaysan oo dagaalamayaasha Al-shabab ay weeraren ciidamada isbaheysanaya ee ka qeyb qadanaya dagaalka ka dhanka ah argagexisada oo cidanka qaranka Somaaliya hogaminayaan waxana ay u hanjabeen amaanka iyo nabad galyada askartaasi.

“Intii uu socday Hawlgal ay Ciiddamo Somali garwadeen ka ahaayeen ayey Koox ballaaran oo Dagaalaamayaal Alshabaab oo hubeysan waxay soo weerareen Ciiddanka, iyagoo cabsi geliyeen Ammaanka Ciiddankii joogay Deegaankaasi” ayey tiri Afhayenada.

Wasarada difaaca Mareykanka ayaa bishii Jue sheegtay in ciidamada Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Somalia dhamaadkii bishi May ay ku dileen Cabdullahi Xaji Daud waxana uu kamid ahaa qorshayaal dajiyaasha Al-shabab gaar ahaan isku xirka weerarada Kenya,Somalia iyo Uganda.

Captain Jennifer Dyrcz, waxay intaasi ku dartay inay Milliteriga Maraykanka qaadeenn labo duqeyn oo Is-difaa ah (two self defence strikes) oo lagu dilay 4 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab waa sida ay hadalka u tiri.