War Culus: Maxaa ka jira in Wasiiro Ka tirsan Xukuumadda ay toos ugu biireen Mooshinka Jawaari lagu ridaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan mooshinka laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,kaasi oo la doonayo in xilka looga qaado.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Kheyre ay ku biireen mooshinka ka dhan ah Jawaari,taasoo banaanka u soo saareysa shakigii laga qabay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku lug lahaa Mooshinkii Jawaari.

Shirkii Jaraa’id ee xalay uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, inkastoo aysan ka soo muuqan Muuqaalkii shirkii jaraa’id.

Qaar ka mid ah Wasiirada ku dhow dhow Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu arkay kulamo dhowr ah oo ka dhan ahaa Guddoomiye Jawaari, waxaana tirada Xildhibaanada saxiixay mooshinka la sheegay inay ka mid ahaayeen Wasiirada Xildhibaanada ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo gadaal ka riixayay mooshinkan iyo ololaha ka dhanka ah Guddoomiyaha rug cadaaga ah Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Khilaafka siyaasadeed ee k dhex bilowday Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa ka duwan khilaafaadyadii horay loo soo arki jiray, sida Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare, waxaana la ogeyn halka uu ku dambeyn doono xaalka.

Waxaa hadda jirta Xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda Dp World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.