Animation

Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la shaaciyay

no responses
Sunday November 8, 2015 - 9:00 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Iyadoo horay uu isku casilay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, ayaa Guddiga doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Puntland waxa ay shaaciyeen xilliga ay dhaceyso doorashada.

Warqad qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga loo xil saaray Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, ayaa waxa ay ku sheegeen doorashada inay dhaceyso maalinta berito ah.

Arintaan ayaa lagu wargeliyay dhamaan Xubnaha Wakiilada Maamulka Puntland iyo sidoo kale musharaxiinta u taagan inay u tartamaan qabashada hogaanka Baarlamaanka Puntland.

Warqadan oo guddiga ay shalay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen Maalinta Berito ah oo taariiqda ay tahay 09-11-2015 inay dhaceyso doorashada.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa 28-10-2015 ka tagay shaqadii uu hayay kadib markii Xildhibaanno gaaraya 40 ay ka keeneen mooshin isaga ka dhan ah.

Doorashada

KISAMAAYO24.COM

ABDI KAFI ABDI ABDULLE

Facebook Comments