Animation

Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland ahna maamulaha dalada qurba-joogta Puntland ee Finland mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamacoo casharo Kabixiyeey Siminaarkii Macadonia

no responses
Monday October 5, 2015 - 10:54 under Breaking News by admin
mqdefault

Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland ahna maamulaha dalada qurba-joogta Puntland ee Finland mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac Jannaggale ayaa maanta casharo ku saabsan saxaafada iyo dhalinyarada sidey ugu faa’iideysan lahaayeen isticmaalka Internetka dhankiisa wanaagsan, sida aalaadka waxbarashada, macluumaadka ogaanshaha dunida macluumaadkeeda, kagana fogaadaan u isticmaalka dhanka xun.

Mudane Cabdifatax Jannaggale ayaa sidoo kale bixiyey casharo ku saabsan tahriibka iyo soogalootiga wuxuuna wadamada yurub ee kasoo qeybgalay shirka u sheegay iney soo dhaweeyaan qaxootiga .

Cabdifataax Jannaggale ayaa sidoo kale wuxuu la shiray Wadamada Greece, Macadonia asigoo matalaya Finland, ineey wada qorsheeyaan fulinta mashruuc looga hortagayo Tahriibka dhalainyarada ka imaanaya Africa, gaar ahaan Soomaaliya. Sedexdaa wadan baa goáan ku gaaray ineey si wada jir ah u wada dalbadaan mashruuc sedex sanadood soconaya oo ku saabsan wacyigelinta dhalinyarada Soomaalida dhibaatada Tahriibka iyo in la siiyo tababaro dhanka saxaafada iyo shaqo abuurista. Mashruuca cusub baa waxaa maalgelin doona Midowga Yurub.

Cabdifataax Jannaggale ayaa ah shaqsi muda dheer la shaqeeynayay Midowga Yurub qeeybta horumarinta dhalinyarada dhanka waxbarashada iyo arimaha bulshada, baa wuxuu ooga faideeyaa fursadaha harumarineed ee ka jira Midowga Yurub qurbajoogta Soomaalida ku dhaqan Yurub. Mudane Jannaggale ayaa ah shaqsiga soo abaabulay shirkaan tababareed ee hada ka dhacaya Macedonia. Waxaana isugu yimid 12 wadan ee kakala yimid qaarada Yurub, waxaana Finland matalayay 5 xubnood oo ka socday Dalada Qurbajoogta Puntland ee Finland.

Cabdiftaax Jannaggale baa wuxuu balan qaaday inuu fursadahaan horumarineed ee uu qibrada u leeyahay si gaar ah oogu faaideeyn doono Dalada cusub ee ay sameeysteen Qurbajoogta reer Puntland ee ku dhaqan Yurub. Asigoo balanqaaday in wadan walba oo xubin ka ah, ama ka noqon doona Dalada, tababaro loo sameeyn doono si ay u kobciyaan aqoontooda kadibna ay u horumariyaan waxqabadka ururadooda, taasoo ay ka faaideeysan doonaan dadka ay matalaan. Wuxuuna fursad gaar ah sin doonaa xubnaha Golaha fulinta ee Dalada Jaaliyadaha Qurbajoogta reer Puntland ee Yurub (Puntland European Diaspora Associations Network).FB_IMG_1444072511936

FB_IMG_1444078041052

FB_IMG_1444078252035

FB_IMG_1444078041052

FB_IMG_1444073875162

FB_IMG_1444072511936

FB_IMG_1444078021458

FB_IMG_1444073875162FB_IMG_1444078015657