Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isul wasaare ku xigeenka soomalia oo Bujambuura uga qeyb galaya ciyaarta Final-ka ee u dhaxeysa somalia iyo Burundi

0

Magaallada muqdisho waxaa saakay ka ambabaxay wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Ra’isul wasaare ku xigeenka soomalia mudane mahdi maxamed guulled waxaana ay ku wajahanyihiin magaallada Bujumbura ee dalka Burundi halkaasi oo galabta ay ka dhici doonto ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka bariga iyo bartamaha afrika ciyaartaas oo dhexmari doonta xulalka soomalia iyo Tanzania ee da’doodu ay ka yartahay 17-jirrada.

Madaxweyne farmaajo oo lagu waday in uu ka qeyb galo daawashada ciyaarta ayaa ka baaqday sida ay ii xaqiijiyeen Ilo ku dhaw dhaw madaxtooyada Villa Somalia balse madaxweynaha ayaa si dhaw ula socda finalka ciyaarta labada dal u dhaxeysa.

Mas’uuliyiin badan oo dowladda ka tirsan iyo kuwa horay xilal usoo qabtay ayaa ka qeyb galaya ciyaarta si ay u dhiiro galiyaan xulka da’yarteena soomaaliya oo markii ugu horeysay soo gaafay finalka koobka CECAFA U 17.

Guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir Thabit cabdi maxamad ayaa shalay gaaray bujumbura isagoona sheegay in halkaa uu u tagay dhiiro galinta xulka soomalia.