Breaking News Somali News Top News

Wafdi u hogaaminayo Madaxweyne kuxigenka Jubbaland oo gobolka gedo garay.

Wararka aan ka halayno Degmada Doloow ee Gobolka Gedo ayaa Sheegaay in Wafdi balaran oo uu hogaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland ay gaareen halkaas.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa safarkiisa Ku wehliyo Xildhibaano, Wasiiro ka tirsa Maamulka Jubbaland iyo Saraakiil ka socoto IGAD iyo maamulka cusub ee gobolka gedo.

Ujeedada Safarka Madaxweyne kuxigeenka ayaa lagu Sheegay xalinta Khilaaf baahsan oo ka dhashay Magacaabida Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Aadan oo uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Digreeto Ku Magacaabay iyo in Maamulka Jubbaland lagu fidiyo gobolka gedo.

 

Gudoomiyahii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed ” Canjeex Buulla-Gareed” ayaa diiday si cadna u qaadacay inuu xilka Wareejiyo iyo in xilka laga qaado intabo, taas oo qalqal galisay qaabkii uu Gudoomiyaha Cusub kula Wareegi lahaa xilka loo Magacaabay.

Maxamuud Sayid ayaa lagu sooWaramayaa inuu Gedo u yimid xalinta Arintaas iyo sii anbo qaadida dhismaha Maamulka Gobolka iyo kan Degmooyinka.

 

 

isha Gurmad24

Related posts

Shacabka Magaalada Dhuusamareeb Oo Soo Dhaweeyay Guddiga Xukuumada Somaliya Magacawday.

admin

TOP News : Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii Ceelcade iyadoo Kenya asker aad u badan looga dilay dagaalka, ” faafaahin”

admin

Muuqaal: Daawo Maxaadan Ogeyn Oo Ay CIidamadda Dowladda Baardheere Ka Fuliyeen?????

Tifaftiraha K24