Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Arimaha Bulshada Breaking News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Wafdi ka socda Galmudug oo la kulmay Wasaarada Arimaha Dibada UK+ Sawiro

Magaalada London ee Xarunta Wadanka UK ayaa waxaa ka dhacay kulan balaran oo dhex maray Wafdi ka socda Galmudug iyo Madaxda Wasaarada arimaha dibada UK.

Kulankaan oo ahaa mid diirada lagu sareyay sidi dowlada UK ay Galmudug uga caawin lahayd dhinacyada Amanka ,Caafimadka iyo waxbarashada ayaa ugu horeyn ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaash Abdi.

 

Madaxweyne kuxigeenka ayaa Masuliyiinta wasarada arimaga dibada UK uga warbixiyay halki ay ka timid Galmudug halka ay hada taagan tahay iyo halka ay u socoto waxaana uu sheegay in Maamulka Galmudug uu wax badan qabtay mudadiidi kobneyd ee uu shaqaynayay.

 

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Caafimadka Galmudug ayaa asna ka warbixiyay xaalada Caafimadka iyo waxbarashada ee ka jirta Galmudug waxaana uu sheegay in mudadi ay wasaradada Caafimadka Galmudug shaqaynaysay ay wax yabo badan ka qaybteen caafimadka Galmudug hadana,

 

Ali Dahir Eid Wasiiru Dowlaha Caafimadka ayaa waxaa u sheegay in wasaarada Caafimadka Galmudug ay diyaarisay qorsha howleedka Wasaarada afarta sano ee soo socota (four years Strategic Plan)

 

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa Dowlada UK ka codsaday in ay Wasaaradiisa ka caawiyaan fulinta qorshahaasi.

 

Sido kale  kulankaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Qurbajoogta iyo dhirigalinta maalgashiga waxaana wasiirka u sheegay in ay qorshe balaran oo ay dib ugu dhisayaan Jaaliyadaha Galmudug  wadan ayado qorshahaasi ay qayb ka tahay  in qurbajoogta  lagu dhiiri galiyo  in ay maalgashtaan  Galmudug State .

 

Ugu danbeyn  Masuliyiinta Wasaarada arimaha Dibada UK  ayaa sheegay in ay Galmudug ka taageeri doonan dhinacyada  Caafimadka iyo waxbarashada iyo waliba tayaynta Police ka Galmudug.

 

Kulankaan oo ahaa midki ugu horeyay ee dhexmara wasaarada arimaha dibada uk iyo Maamulka Galmudug state ayaa  ugu danbeyn ku soo dhamaday guul iyo is afgarad.

 

 

12718359_1064345800284525_8427819200984690949_n12718277_1064345630284542_7911773363656803851_n12718277_1064345630284542_7911773363656803851_n12705392_1064345743617864_6999237064975781869_n12669646_1051734058226812_8816492362003711662_n

12669721_1051734241560127_8985464328252134810_n

12715428_1051734901560061_7750515690341480526_n

 

 

12718277_1064345630284542_7911773363656803851_n

Related posts

Duqa Muqdisho oo Daah furay dib u dhiska Warta Tunbuluq ee Degmada X/Weyne

admin

Akhriso: Dowladda soomalia oo war ka soo saartay dhalinyarada soomaaliyeed ee lagu dhibaateeynaayo dalka liibiya

Tifaftiraha K24

Mareykanaka iyo Ethiopia oo ka hadlaya arimaha Somalia, iyagona xooga saaraya……..

admin