Animation

Wafdi ka socda dowladda qadar oo muqdisho soo gaaray kulamo qarsoodi ah oo ka dhacay….

no responses
Sunday June 11, 2017 - 3:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi ka socda Dowladda Qadar ayaa Maanta si Qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho,waxaana Wafdigu ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,iyadoo ay waday Diyaarad yar oo laga leeyahay Wadanka Turkiga.

Wafdigaan waxaa hogaaminaayay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi .

Wafdiga ka socda Qadar ayaa Kulamo Hor dhac ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,waxaana la sheegay in ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmajo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sababta  Wafdiga Qadar ka socda  ay u yimaadeen Muqdisho ay tahay Labo Arrimood oo kala ah in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga Mahad celiyaan Go’aankii dhex-dhexaadka ahaa ee ay ka qaadatay Khilaafka u dhexeeya Qadar iyo Dowladaha Khaliijka iyo in aysan ka laaban Go’aankaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay Go’aan dhex dhexaad ah uga qaadatay Khilaafka Qadar iyo Isbaheysiga Sacuudigu uu horkacayo ee ku aadan Xariirka loo jaray Boqortooyada Qadar.

Sidoo kale waxaa jira in Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Boqortooyada Sacuudiga uu Habacsanaan ku yimid ka dib markii Wafdi Wasiirro ah oo ka tirsan Xukumadda Kheyrre ay tageen Maalmo ka hor Sacuudiga Balse aysan helin Hab-maamuus soo dhaweyn ah,taas oo muujineysa in Sacuudigu uu ka Xun yahay Go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Xiriirka loo jaray Qadar.

Qatar ayaa hada isticmaaleysa Hawada Soomaaliya, kaddib markii wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay hawada ka xirteen