Somali News

Wadada iskuxirta Muqdisho iyo Afgooye oo la sheegay goorteey soo gaba gaboobeyso

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,(XFS) mudane, Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu soo gaba- gabeeyn doono muddo laba bil ah.

Ra,iisul wasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Argagaxisadu ay isku dayday in ay joojiso dhismaha ka socda Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, isla markaana Ciidamada Qalabka sida ay fashiliyeen isku day weeraro ay Alshabaab ku soo qaaday Injineerada ku howlan dhismaha Waddada.

Raiisal wasaaraha ayaa sheegay in  Al-shabaab aysan ogoleen horumarinta dalka iyagoo kasoo horjeeda dib u dhiska dalka, waxaa uuna Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan Alshabaab.

Wadadaan ayaa ah mid muhiim u ah isku socodka Gaadiidka iskaga kala goosha Muqdisho iyo Gobolada dalka, waxeyna kordhinaysaa kobaca dhaqaalaha dalka.

Related posts

Dagaal qaraar oo maanta ka dhacay xadka u dhaxeyo Kenya iyo gobolka gedo

admin

SAWIRRO:- Shirka dib U Eegista Dastuurka Oo Goordhaw ka furmaya Hotel Royal Palace.

Ahmed sudani

TOP NEWS: Dhageyso Weerar culus oo Xalay lagu soo qaaday Saldhig ay Ciidamada Galmudug ku leeyihiin Magaalada Galkacyo Yaase kusoo qaaday????

Tifaftiraha K24