Animation

Wabiga Jubba oo ku fatahay Qeybo kamid ah Gobolka Gedo ( Warbixin)

no responses
Monday November 9, 2015 - 12:20 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegayo in Qeybo kamid ah gobalka ay saacado aad u badan ka da’ayeen Roobab Mihiigaan ah, kuwaasoo sababey qasaaro aad u weyn oo hantiyeed

Deegaanka Caws-qurun ee ku yaal xadka uu gobalka Gedo la wadaago Kenya, kaasoo Qiyaastii 75 km u jira magaalada Ceelwaaq ayaa gebi ahaanba waxaa qaadey Daadad lixaad leh oo ka dhashey Roobab mihiigaan ah oo saacado badan ka da’ayay Deegaankaas iyo agagaarkiisa.

Goob-joogayaal kamid ah dadkii ku dhaqnaa Deegaankaas ayaa Warbaahinta k24 u sheegey in dadkii ku dhaqnaa Tuulada Caws-qurun oo lagu qiyaaso dhawr Boqol oo qoys ay gebi ahaanba guryahoodi iyo goobihii ganacsi ay lahaayeen ay daadadku qaadeen, kuwaasoo isagu uruurey meel taag ah oo ay daadadka ka fuuleen

Dhinaca kale Wabiga Jubba ayaa ku fatahay magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo, kaasoo wax-yeello aad u weyn u geystey dhul beereed aad u ballaaran, waxaana wabigu uu fatahayaa ayadoo Shalay iyo Saaka ay magaalooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo ka da’ayeen Roobab xoog leh.

Dadka ku dhaqan agagaarka wabiga Jubba ayaa waxaa soo wajahday Cabsi aad u weyn, kuwaasoo ka cararaya goobihii ay ku noolaayeen, waxaana weli aad looga cabsi qabaa Roobab lixaad leh oo la filayo, cirka oo aad u buuxa awgiis.

Daahir. F. Afdheere

Email. Owsame1@yahoo.com

Facebook Comments