Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

Waa sidee Xaaladda Magaalada baladweyne kadib Dagaalo shalay halkaasi ka dhacay.

Xaalada magaalada Beledweyn ayaa saaka degan, kadib dagaal culus oo shalay ka dhacay xaafada Howl-wadaag, kaasoo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo dega galbeedka magaalada.

Sida ay sheegayaan wararka odayaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa ku howlan, sidii dagaalka loo joojin lahaa, waxaana dadaalada nabadeed horkacay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo Guddi odayaal ah u saaray joojinta colaada.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeya ugu baaqay inay colaada joojiyaan, ayna u turaan shacabka, waxaana dadaalada nabadeed qeyb ka ah odayaasha labada maleeshiyo dagaalamaya.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadaalada lagu joojinayo dagaalka ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyn, inkastoo aanay jirin ciidamo kala dhex galay maleeshiyo beeleedyadii dagaalamayay.

Dagaaladii shalay ka dhacay magaalada ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 10-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay ay ahaayeen dad rayid ah oo xaafadahooda rasaas wiifto ugu tageen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyn, waxaana dagaalada ku soo noq noqday magaalada ay salka ku hayaan dilal ka dhacay galbeedka magaalada.

Related posts

Daawo: nin Somali ah oo Maxkamad lagu soo taagey London kadib markii uu Sodohdiisa kufsadey kadibna diley

admin

Wasiirka Dastuurka Dawladda FS Oo Kulan la qaatay G/ku Xigeenka Golaha Wakiiladda Putland

Ahmed sudani

Xukuumada Somaliya oo Shaacisey in aysan dooneyn Sara ukaca Khilaafka kala dhaxeeya Dalka.

admin