Waa sidee xaalada Magaalada Dhuusomareeb oo laga dareemayo Dhaq Dhaqaaq Ciidan?

0

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidanka Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay qaar kamid ah ciidamadii Ahlu Sunna ee la qarameeyay ayaa kasoo baxay xeryihii la geeyay, waxa ayna ciidankan oo ku hubeesan gaadiid dagaal iyo hub kale dib ugu soo laabteen magaalada Dhuusomareeb.

Dadka ku dhaqan Dhuusomareeb ayaa ku waramaya in ciidamadan oo abaabul wada lagu arkayo xaafado katirsan magaalada , waxaana dadka lasoo darsay cabsi ay ka qabaan in ciidamadan arbushaad iyo dagaal magaalada ka kiciyaan.