Animation

Wa side Xaalada Dagmada Cabudwaaq Warbixin ayanu idinka hayna…..

11 responses
Friday November 4, 2016 - 4:47 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Cabudwaaq ee Bartamaha Somalia oo shalay ay ka dhaceen dagaalo logu hobtay  ayaa xalay ila saka dagan.

Wariyaha Kismaayo24 ee Gobolada dhexe ee Somalia  Bashiir Yusuf Nadaara aya  waxaa uu soo sheegaya  in Xaalada Guud ee Magaalada ay dagan tahay.

Wariyaha ayaa waxaa uu sido kale soo sheegay in saka la filayo Ciidamo ka socda Dowlada Somalia kuwaas oo la  dhex dhigi doono Ciidamadii shalay ay diriirto dhex martay.

Inkasta oo ay tahay Maalin jimco ah oo inta badan ay ganacsiyadu xiran yihiin hadan Magaalada way ka duwan tahay sidii ay shalay ku sugnayd oo  waxaa  dib saka u soo labtay isku socodka dadweynaha .

Kismaayo24 dhawaan waxay idin soo gudbinaysa  Warbixin dhamaystiran oo ku sabsan dagaalkii shalay iyo qasaarihi u reebay.