Animation

WA CUSUB: Doon Ku Degtey Xeebaha Masar Iyo Somali Badan Oo Halkaasi…………………………….

no responses
Thursday September 22, 2016 - 6:48 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Howlgal badbaadin ah ayaa ka socda xeebaha Dalka Masar, kadib markii shalay Doon siday 600 oo Qof ay ku degtay xeebaha Dalka Masar.

Inta la xaqiijiyay 30 Qof ayaa ku dhimatay Doontan ku degtay xeebaha Dalka Masar, waxaana weli la la’yahay Toboneeyo kale oo qeyb ka ahaa dadkii saarnaa Doontaasi.

Ciidanka Ilaalada xeebaha Dalka Masar ayaa sheegay in ilaa iyo hada dadka la soo badbaadiyay tiradooda ay gaareyso ilaa iyo 170 Qof.

Kooxaha Gurmadka ayaa weli wada Howlgalka ay ku baadi goobayaan dadka kale ee weli nool, sidoo kalena doonaya in Musiibadaan laga soo badbaadiyo.

Doonta ayaa ku degtay xeebta Magaalada Dekadda ah ee of Rosetta, waxaana wali soo baxaya macluumaadka ku saabsan shilkan.

Mid ka mid ah shaqaalaha Gurmadka Caafimaadka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in inta badan dadka dhintay ay yihiin African.

Wali ma cadda halka ay doontu ku socotay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay u socotay dhinaca Taliyaaniga.