Animation

WA CULUS; Maxaadan OGeyn Oo Al-shabaab Iyo Kenya Ku Dhex maray Jubboyinka (War Ayaan Idinkaga Wadnaa)

no responses
Saturday September 17, 2016 - 11:17 under Somali News by Tifaftiraha K24

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ay ka dishay 30 Dagaalame kadib Dagaal Culus oo ka dhacay Degaanka Goobweyn Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Ee AP in Ciidamada Kenya ay kula Dagaalameen Al-shabaab islamarkaana ay ka dileen 30 kamid ah Al-shabaab oo ay Macquul tahay in ay ku jiraan Saraakiil.

Afhayeenka ayaa sheegay dhankooda in aysan waxyeelo ka soo gaarin Dagaalka ka dhacay Degaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dhaka kale Xarakada Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin sheegashada Ciidamada kenya oo ah in ay dileen 30 ka tirsan Dagaalameyaasha Xarakada Al-shabaab.