Animation

VOA oo laga mamnuucay deegaanada Puntland. SABAB?

no responses
Thursday October 29, 2015 - 10:15 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Wasaarada warfaafinta Puntland ayaa amar kasoo baxay waxaa deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo laga mumnuucay idaacada VOA, kadib markii lagu eedeeyey inay faafineyso warbixino lidi ku ah Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wareegtadiisa ku sheegay inay VOA ka dhega adeegtay digniino hore oo ay siiyeen kuwaasi oo ku aadan inay wax ka badelaan warbixinada ay ka gudbiyaan maamulkaasi iyo sida aysan u aheyn dhexdhexaad.

“Waxaa idaacadda VOA baahisaa warar lidi ku ah jiritaanka Puntland, waxaana horey u siinay digniino afeed, balse ma aysan sameyn wax ka badel wixii aanu ka cabaneynay, sidaasi darteed waxaan maanta ka mumnuucnay guud ahaan Puntland inay ka howlgasho” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Xasan Soocadde.

Dhinaca kale waxaa uu wariyayaasha ka jooga Puntland uga digay inaysan wax warbixin ah u diri karin idaacadaasi, sidoo kalana idaacadaha ka howlgala Puntland ee sii daaya idaacadda VOA ayuu amar u siiyey inay joojiyaan baahinta VOA.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay madaxda Puntland cabasho ka muujiyaan idaacadda VOA, waxaana tani noqoneysaa midii ugu danbeysay.

Facebook Comments