Animation

Vladamir Putin oo hakiyay duulimaadyada diyaaradaha Ruushka ee dalka Masar ay ku tagayeen

no responses
Friday November 6, 2015 - 6:23 under Kaydka Wararka Xulka ah by admin
mqdefault

Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa hakiyey dhammaan duulimaadyadii ay diyaaradaha ganacsi ee dalkiisa ku tagi lahaayeen dalka Masar, ayada oo baarayaashu ay weli baarayaan in bam uu soo riday diyaaraddii Ruushka ee ku dhacday dalka Masar toddobaadkii tagay iyo in kale.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa si deg deg ah u qaatay go’aankan kadib markii madaxa ciidamada ammaanka dalkaas ee FSB Alexander Bortnkov uu ku talo bixiyey in duulimaadyada la joojiyey inta laga go’aaminayo sababta rasmiga ah ee soo ridday diyaaradda dhacday sabtidii oo ay ku dhinteen 224 qof.

Russia ayaa waxa ay horey ugu gacan seertay oo ay ku tilmaamtay warar aan jirin hadallo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo ahaa in kooxda Daacish ay bam saartay diyaaradda.

Afhayeen u hadlay aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu ku amray dowladda inay ka shaqeyso sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahayaeen dadka Ruushka ah ee weli dalxiiska u jooga badda cas.

Hogaamiyaha Ruushka ayaa amray in dowladiisu ka shaqeyso sidii muwaadiniinta Ruushka ay si ammaan ah dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.

Ruushka ayaa sheegay in dad gaaray 45,000 oo Ruushiyaan ah ay haatan dalxiis u joogaan dalka Masar, sidoo kale 19.000 oo British ah ayaa ku xayiran Sharm el-Sheikh.

Wadanka Masar ayaa dib u dhac weyn u tahay in uu joogsado dalxiiska loo tago magaalada xeebta ah ee Sharma el-Sheikh iyadoo dowlada Masar ay malaayiin dollar ka soo gelijirtey dadka u tamashle taga xeebtaas kumanaan ruux oo Masaari ahna ay shaqo ka helayeen dalxiisayaasha.

kismaayo24.com

abdi kafi abdi abdulle