VIDEO: Xildhibaanada Federaalka oo Garbahaareey kusii qul qulaya si Kacdoonka ay uga qeyb qaataan

0

Magaalada Garbahaareey waxaa kusii qul qulaya Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka oo ka soo jeeda Gobolka Gedo.

Garoonka Diyaaraddaha Garbahaareey waxaa maanta lagu soo dhaweeyay  Xildhibaan Sagal Isaaq Biixi oo kamida Xildhibaanada Dowlada Federaalka ah ee Soomaliya.

Xildhibaan Sagal Biixi ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Maamulka Gobolka Gedo, Kan Degmada Garbaaharay, waxgarad, Dhalinyaro , Haween iyo qaybaha Kala duwan ee Bulshada Magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo.

Magaalooyinka Dhoobley, Afmadow, Baardheere, Garbahaaray, Buurdhuubo iyo Ceelwaaq Bananbaxyo looga soo horjeedo Madaxda juubaland ee ugu horeeyo hoggaamiyaha fashilmay axmad madoobe.

Sagal biixi iyo xildhibaanada ka soo jeeda Jubbaland ayaa ka qeyb qaadanaya kacdoonka ay wadaan shacabka Jubbaland kaas oo ka socda Dal iyo dibad loogana soo horjeedo axmad madoobe iyo maamulkiisa jubbaland.