Somali News Top News Xulashada K24

VIDEO: Kadib Shirkii Kismaayo Micheal Keating oo Soomalia Isaga baxaayo ( Ogoow Sababta)

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay Michel keating oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wakiil uga ahaa Soomaaliya intii u dhexeysay 2016-2018.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre ayaa Michel Keating uga mahadceliyay shaqadii wanaagsanayd ee dawladda Soomaaliya uu la qabtay intii dalka ka shaqaynayay, waxa uuna guddoonsiiyay haddiyado ka tarjumaya dhaqanka Soomaaliyeed.

“Waan kuu ognahay dareenkaaga xooggan ee aad u hayso Soomaaliya iyo fahamkaaga ku aaddan ajandaheenna dib u habayneed, gaar ahaan dib u habaynta dhaqaalalaha. Taageeradaada waxa ay qayb ka qaadatay isbedelka muuqda ee dalka, waxa aan kuu haynaa xushmad ballaaran”, ayuu ra’iisul wasaare Khayre ku yiri Michael Keating.

Michael Keating ayaa ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ku ammaanay dawrka wanaagsan ee hoggaamineed iyo isbedelka muuqda ee ay la timid xukuummadda uu hoggaamiyo.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka

Related posts

Dhagayso:- Xildhibaano si an Caadi ahayn u Cambareyeey Beesha Caalamka Maxay Ka Rabaan Xildhibanada Beesha Calamka ?

admin

DEGDEG: Madaxweyne goordhaw iscasili raba iyo Ciidamada AMaaanka oo isku gadaamay.

admin

Daawo: Ugaaska Beesha Sade Ugaas Taakooy oo Fariin Culus u diray Masuuliyiinta Galmudug Isagoona sheegay in…..

Tifaftiraha K24