Animation

Ururka alshabaab oo xalay weerar ku qaaday Deegaano ka tirsan Puntland.

no responses
Thursday November 26, 2015 - 7:41 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

K24— Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday fariisimo ciidamada Puntland ku leeyihiin buuraha Galgala, iyadoo dagaalo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu halkaas ka dhacay.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalyahanada Shabaab ayaa madaafiic ku weeraray fariisimaha Ciidamada Puntland, iyadoo kadib dagaal fool ka fool ah ku qaaday.

Dadka ku sugan Boosaaso ayaa soo sheegaya inay maqlayeen hubka noocyadiisa kala duwan ee la isku weydaarsanayay buuraha Galgala.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet soo dhigtay in dagaal toos iyo madaafiic ku qaaday fariisimaha Ciidamada Puntland, ayna gudaha u galeen buuraha Galgala.

Illaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, hase ahaatee waxaa ku soo beegmayaa, iyadoo Puntland horay u sheegtay in Al-Shabaab ka nadiifisay buuraleyda Galgala.

Dagaaladan ayaa imaanaya, iyadoo bishii hore ee October dagaalyahano uu hogaaminayay Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dhawaaqeen inay ku biireen Ururka Daacish.

Taliska Guud ee Ciidamada Puntland ayaa maalintii shalay sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ka yimaada kooxda ku biirtay Daacish, isla markaana hadafkooda yahay in weerar ay isku muujinayaan soo qaadaan.

Facebook Comments